Return to Questions About Kids Publications Page


Su’aalo Ku Sahabsan Caruurta

Sideen u Caawin Karaa Ilmaheyga yar si uu Unoqdo mid wax Aqriya?

Waalidku ma caawin karaan caruurtooda sida ay u bartaan aqriska? Waa haa su’aashaas jawaabteeda. Waalidku waa macalinka ugu horeeya ee ilmihiisa ka caawiya barashada luuqada iyo aqriska si uu uga gaaro guul wanaagsan. Wax barashada caruurtu waqti dheer ayay qaadataa waxa ayna ka bilaabataa marka ay caruurtu aad u yar yar tahay. Wax barista ilmaha yar yar sida loo aqriyo way ka duwan tahay ta caruurta waaweyn. Caruurtu wax aqriska waxa ay ka bilaabaan hadalka, barashada luuqadda iyo la dhaqanka dadka kale. Waalidkuna marka ay caruurtooda la sheekeystaan waxa ay caruurtooda ku caawiyaan sida luuqadoodu u dhisanto. Marka ugu horeysa oo ay caruurtu maqlaan hadal lagu hadlaayo waxa ay bilaabaan in ay wax fahmaan. Baarritaan ayaa waxa ay na tusaysaa ciyaalka sanadka ugu horeeya noloshooda ereyo badan maqla isla markaasna waalidkooda la leh xirrir wanaagsan in ay ku fiicnaadeen imtixaan ay dugsiga hoose ku qaateen. Waxa ayna si fiican uga roon yihiin caruuta aan xiriir fiican la leheyn waalidkooda oo aan ereyo badanna maqlin. Sidaas darteed waxa jirta wax yaabo kala duwan oo ay waalidku ku hor marin karaan luuqadda ilmahooda oo la xiriirta barashada aqriskooda.

Ilamha aad u yar

La sheekeyso ilmahaaga markaad cunto siineysid, u qubeyneysid iyo marka aad dhaybarka ka bedelysid

Luuqaddu waa furaha ugu horeysa ee horumarisa aqriska ilmaha, waxa muhiim in ay waalidu ka faa’ido siiyaan oo ay la sheekeystaan ilmahooda yar marka ay cunto siinaayaan, u qubeynayaan ama ay ka badalyaan dhaybarka. Caruurtaada marka aad la sheekeysatid waxa ay kaa baranayaan laba wax. Marka ugu horeysa waxa ay baranayaan luuqadda, marka labaadna waxa ay ogaanayaan in ay yihiin qof muhiim ah.

U sheeke ama u hees ilmahaaga yar

Marwalba aad ilmahaaga u sheekeyso ama aad u heesto waxa ay ka helaan faa’idoyin waaweyn. Sababtoo ah waxa ay bartaan in markooda ay heesaan ama sheekeeyaan.

Ilmahaaga buug u soo gad

Waxaad siisaa ilmahaaga buugaag sawiro leh oo loogu talo galay caruuta si uu uga barto aqrinta ugana helo waayo aragnimo. Waxa aad u muhiim ah in ay waalidku caruutooda u aqriyaan buugagta, sababtoo ah caruurtu waxa ay kabartaan luuqadda waxa ayna ka helaan waayo aragnimo dhaxal gal ah.

Ilmahaagu marka uu hadal bilow yahay

Waalidka iyo caruurtu waa in ay isla isticmaalaan buugta, taas oo suura galisa in su’aalo ay is weydiiyaan si wada jir ahna uga jawaabaan

Ilmahaaga waxaad weydiisa su’aalahan oo kale: waa kuma? waa xagee? maxaa dhacay? sababtee? Waalidka buugagtan oo kale isticmaala waxa ay caruurtooda ku caawiyaan in ay caruurtu wax ka bartaan marka ay ka jawaabaan su’aalaha la weydiiyo. Haddii uu ilmuhu muddo isticmaalo buuga waalidku waxa ay weydiin karaan ilmaha su’aalo ku saabsan waxyaalaha ay hada baranayaan sida: (“muxuu sacu leeyahay?”), waxa ay baraan karaan sababta ay wax u dhacaaan (“maxaa dhici doona?”), waxa ay baran karaan sida erayada la iskugu xijiyo (GALI EREYO FUDUD XAGAN?), (“maxaa ku xiga marka labaad?”), waxa kale oo ay baran karaan sida dhibaato loo xaliyo markii la weydiiyo su’aalahan oo kale (“muxuu rabaa aabe inuu sameeyo?”).

Kala sheekeyso Waxyaabaha agagaarka ilmahaaga yar ka dhaca

Dadka waaweyn ama waalidku aad bey u caawin karaan in ay caruurta ka jawaaban su’aalahan oo kale (xagee? kuma? sidee? iyo sababtee? iwm) haddii ay ka hadlaan waxyaabaha agagaarkooda ka dhacaya: “Yaad u maleyneysaa in ay xagaa degen yihiin?”, “Maxay noo sheegaysaa calaamadaasi in aan sameyno”?, “aaway caanihii quraacdu?”, “maxey meeshani u qoyan tahay?”.

Ku hanuuni ilmahaaga si uu u isticmaalo qalin qoriga iyo qalimada midabada kala duwan leh

Sida ay caruurtaadu u bartaan habka ay qalinka wax ugu qori lahaayeen. Maxaa yeeley qoritaanku waa furaha wax barashada. Waxa kale oo ay baranayaan in ay iyagu nafsad ahaantooda wax u qabsan karaan.

Caruurta aan Wali Iskuulka Bilaabin

Ka dhig gurigaaga meel ay yaalaan wax badan oo la “aqrin Karo”

Caruurta aan iskuulka bilaabin way ka war hayaan magacoodu xarfaha uu ka kooban yahay iyo nambarada ka kooban da’dooda, ciwaanka ay ku nool yihiin, wax yaabaha ay isticmaalaan iyo wax yaabo badan oo ku saabsan waayo arignimada ay maalin kasta helaan. Waalidku way caawin karaan waayo haddii ay u sheegaan caruurtooda sida wax loo aqriyo ama loo qoro iyaga oo u tilmaamaya calaamadaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin (calaamadaha jidadka, suuliga iyo kuwa tilmaama sida albaabada looga baxo iwm). Waalidku waa in ay waydiiyaan caruurta aan iskuulka gaarin in ay ku caawiyaan sida ay u sameyn lahaayeen liiska adeega, ayna la ciyaaraan ciyaar maskaxdood kordhinaysa.

Marka aad adeeganayso ka dhig mid hididiilo gelisa caruurta in ay aqriyaan

Marka ay waalidka iyo caruurtu wada adeegaan way adag tahay laakiin waxa ay caruurta siisaa fursad ay ku bartaan aqriska waayo waa in ay aqriyaan calaamadaha tilmaama meeshii ay wixii ay rabeen ka heli lahaayeen, waxa kale ay bartaan sida ay isugu heli lahaayeen waraaqaha qiimo dhinka iyo baakadaha qiimaha laga dhimay.

Markaad cuntada diyaarinaysid ka dhig mid hididiilo gelisa caruurta in ay aqriyaan

Caruurta aan iskuulka gaarin marka ay aqriyaan cunatada aad diyaarineysid waxa ay ka kooban tahay ama arkaan sawirada, waxa ay ku caawisaa in ay bartaan sida qoraalku uu uga bilowdo bidixda una socdo midigta, taasina waxa ay ka mid tahay waayo aragnimada wax aqriska. Caruurtu waxa kale oo ay baranaysaa in ay isla helaan ereyga qoran iyo sawirka u taagan ereygaas.

 Sanadka koowaad ee caruuta waalidku waxa ay haystaan fursad aad u weyn oo ay ku bari karaan caruurtooda luuqadda iyo sida ay ula xiriiri lahaayeen dadka la nool. Caruurtu waxa ay si qun yar ah maalin walba uga helaan waayo aragnimo xaga luuqadda ah waalidkooda, iyada oo ay ku dheehantahay naxariis waalidnimo. Markaa waxaa imaneysa maalin ay caruurtu gaaraan in ay fikradahooda dhaafsadaan dadka la nool iyo sida oo ay ula xiriiraan dadkaas, fikradaas oo ay is dhaafsanayaan oo ah wax ay qoreen.

Waxa qorey Sherilyn Goldsmith, M.Ed., University of Minnesota Child Care Center, Minneapolis, Minnesota

Hadii aad u baahan tahay wax faah faahin ah

Waxa aad la xiriirtaa Early Childhood Family Education Program oo laga helo meesha ay caruurtaadu wax ku bartaan ama wac 1-1800-KIDS-709. Haddii kale aad http://www.zerotothree.org/ (English).

Su’aalo Ku Saabsan Caruurta waxa laga laga heli karaa —

http://www.harristrainingcenter.org

http://cehd.umn.edu/ceed

(English)

Su’aalo ku Saabsan Caruurta waa Mashruuc ay isla galeen Irving B. Harris Training Center For Infant and Toddler Development iyo the Center For Early Education and Development, University of Minnesota. University of Minnesota fursad isku mid ah ayuu cilmi iyo shago u siiyaa. Daabacaadan shay kale ayaa lagu heli karaa hadii la codsado. Hadiiaad rabtid copiyaal badan ama shay kale, la xiriir 612-624-4510.

How Can I Help My Young Child to Become a Reader? Somali translation by PEACE African Community.


Copyright © 2004 by Center for Early Education and Development

These materials may be freely reproduced for education/training or related activities. There is no requirement to obtain special permission for such uses. We do, however, ask that the following citation appear on all reproductions:

Reprinted with permission of the Center for Early Education and Development (CEED), College of Education and Human Development, University of Minnesota, 40 Education Sciences Building, 56 East River Road, Minneapolis, Minnesota, 55455-0223; phone: 612-625-3058; fax: 612-625-2093; e-mail: ceed@umn.edu, web site: http://cehd.umn.edu/ceed.


Return to Questions About Kids Publications Page