Return to Questions About Kids Publications Page
Suaalo Ku Saabsan Caruurta
Ilmaheyga Maan Kibrinaayaa?
Waalid badan ayaa waxey ka walwalaan iney
ilmahoodu kibraan hadey u soo cararaan marwalba oo ey ooyaan.
Dhinaca kalena waalidku waxey jecelyihiin iney si dhaqso ah ugu
tagaan markey ilmuhu ooyaan. Islamarkaasna waxey dareemaan inuu u
tagitaankaas ama qaaditaankaas marwalba oo ey ooyaan inuu
kibrinaayo ilmmaha uuna baraayo iney kaheli karaan wax walba oo
ey karabaan waalidka. Mararka qaarkood waxa dhacda in martida iyo
waalidka waalidkooduba iney dhahaan Maxaad ugu carartaa
marwalba oo u ilmuhu ooyo? mataqaanid miyaa iney u fiicantahay
ilmaha iney ooyaan!
Kawarheynta ilmuhu kibir makeento
Wey wanaagsantahay in ilmaha laga war hayo
markey ooyan. Waalidkuna wey saxsan yihiin markey u ordaan markey
ilmahoodu ooyaan. Baaritaan la sameeyey ayaa wuxuu noo sheegayaa
ka warheynta ilmuhu markey ooyaan ineyna kibir keeneynin. Run
ahaantii ilmuhu wey u baahan yihiin ka warqab dhaqsi ah, gaar
ahaantii illaa iyo inta ey gaaraan lix amma sideed bilood. Ilmaha
laga war hayo way ka oohin yar yihiin ilmaha oohin lagu dhaafey.
Waxana la hubaa in ilmaha dhaqso loogu yimaado marka ey ooyaan
iney ka firfircoonaan badan yihiin kuwa kale.
Waxaa muhiim ah oon ogaanay in ay
ilmuhu bartaan marka ey ooyaan inuu waalidku dhaqso ugu yimaado
ayna si fiican u xanaaneeyaan. Taasina waxa ey tustaa ama ey
dareemsiisaa ilmaha iney waalidku dhahayaan Waad ii shegi
kartaa waxaad rabtid ilmaheygow anna waan kuu qabanayaa.
Imuhu marka wuxuu horumar ku gaadhayaa inuu kalsooni nafsadiisa
iyo dadka kaleba ka qabo. Wuxuuna ogaadaa inuu aduunku yahay meel
wanaag iyo nabad qabta uuna ka qeyb qaadan karo.
Marka ay nabadaasi u suuro gasho inta
ay caruurtu yar yihiin, waxay bilaabaan in ay si ikhtiyaarkoogu
jecel yahay addunyada ula qabsadaan. Sababtoo ah waxey
dareemayaan inay caawimaad helayaan marwalba ay rabaan. Taasi
waxey na tuseysaa in loo yimaado marka ey ilmuhu ooyaan in ay aad
u wanaagsan tahay.
Ka war Heyntu wey Badan Tahay
Waalidku waxey is dhihi karaan Ma ka
jawaabi karo marwalba uu ilmaheygu ooyo. Waana run ma
awoodi kartid in aad u orodu marwalba oo uu ilmahaadu ooyo, qof
awoodi kartana ma jirto. Laakiin guud ahaan waxa muhiim ah inaad
waqti ku filan ilamahaaga siisid. Waxo kale oo muhiim an in aad
garatid in marwalba uu ilmahaada ooyo in aanad kor u qaadin amma
cunto siinin ammaba aad sariirta la seexanin. Waayo haddii aad
marwalba uu ooyo aad u qaadato in uu rabo waxyaabahan aan kor u
soo sheegnay waxa dhaceysa in uu ilmuhu kibro. Sababtoo ah ilmuhu
waxey baranayaan in si kaliya oo loo caawiyo ey jirto taasina ey
tahey cunto lasiiyo ammaba ey aabo iyo hooyo sariirta la
seexdaan. Waxa jirta siyaabo badan oo lagu xanaaneeyo ilmaha.
Mararka qaarkood hadaad caawiso marka ey billaaban oohinta waxa
ku filan in ey maqlaan codkaada eyna joojiyaan oohintaas. Waxa
kale oo jitra, markey ciyaalku yaryihiin iney waalidku aamusiin
karaan caruurtooda hadeey tartiib dhagaha ugu hadlaan. Waalidku
waxey kale ey sameeyn karaan markey ilmuhu ooyaan in ey u
dhawaadaan oo ey ka salaaxaan caloosha taasina ey dajineyso
ilmaha. Waxa kale oo muhiim ah oo la agaadey in ay ooyinta ilmuhu
tahay in ay qoyan yihiin oo ay doonayaan in laga bedelo dhaybarka
ama ay gaajoonayaan oo ay doonayaan in cunto la siiyo.
Oohintu waa is Afgaradka ilmaha iyo Waalidka
Muhiimku waa inaad ogaato in oohinta
ilmahaadu ay tahey wax weydiintooda. Waasida ugu muhiimsan oo
ilmahaadu wax kuugu weydiisto, sida aad adigu u jeceshahay in
laguu dhageysto markaad hadleyso ayey ilmahaaguna doonayaan marka
ay ooynayaan iyaguna in aad dhageysato.
Hadii aad u baahan tahay wax faah faahin ah
Waxa aad la xiriirtaa Early Childhood
Family Education Program oo laga helo meesha ay caruurtaadu wax
ku bartaan ama wac 1-1800-KIDS-709. Haddii kale aad http://www.zerotothree.org
(English).
Suaalo Ku Saabsan Caruurta waxa laga laga heli karaa
http://www.harristrainingcenter.org
(English)
Suaalo ku Saabsan Caruurta waa Mashruuc
ay isla galeen Irving B. Harris Training Center For Infant and
Toddler Development iyo the Center For Early Education and
Development, University of Minnesota. University of Minnesota
fursad isku mid ah ayuu cilmi iyo shago u siiyaa. Daabacaadan
shay kale ayaa lagu heli karaa hadii la codsado. Hadiiaad rabtid
copiyaal badan ama shay kale, la xiriir 612-624-4510.
Am
I Spoiling My Baby? Somali translation by PEACE African
Community.
Copyright © 2004 by Center for Early Education and Development
These materials may be freely reproduced for education/training or related activities. There is no requirement to obtain special permission for such uses. We do, however, ask that the following citation appear on all reproductions:
Reprinted with permission of the Center for Early Education and Development (CEED), College of Education and Human Development, University of Minnesota, 40 Education Sciences Building, 56 East River Road, Minneapolis, Minnesota, 55455-0223; phone: 612-625-3058; fax: 612-625-2093; e-mail: ceed@umn.edu, web site: http://cehd.umn.edu/ceed.